Andre Gomes oo fariin qiiro leh u diray taageerayaasha Barcelona ka hor kulanka CAAWA!

0
94

Xiddiga reer Portugal ee Andre Gomes ayaa fariin qiiro leh u diray taageerayaasha kooxdiisa ka hor kulanka caawa ee Chelsea.

Andre Gomes ayaa maalmo ka hor bixiyay waraysi uu ku sheegay inuu aad ugu dhibtooday nolosha Barcelona isla markaana ay noqon waysay sidii uu filayay.

Waraysigii uu bixiyay kadib, taageerayaasha Barcelona ayaa bilaabay inay garab istaagaan Andre Gomes si uu uga baxo xaalada adag ee uu ku jiro waqtigaan.

Andre Gomes ayaana uga mahadceliyay taageerayaasha kooxdiisa fariimaha dhiirogalinta leh ee ay u soo direen ka hor kulanka Chelsea, wuxuuna ku soo qoray Instagram-kiisa:

“Waad ku mahadsantihiin fariimaha aad ii soo dirteen, waan fiicanahay, waxaan ku fikirayaa oo kaliya sidii aan Barcelona uga caawin lahaa inay habeen cajiib ah ku qaadato markale Camp Nou, taas ayaa aad muhiim u ah waqtigaan”.

Andre Gomes ayaa la filayaa inuu ku so bilaaban doono kulanka caawa kadib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee kulankii Malaga.

Leave a Reply