Cristiano Ronaldo Ayaa Sheegay In Magaca Champions League Ay Tahay In….

0
285

Weeraryahanka kooxda kubada cagta Real madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in magaca Champions League ay tahay in loo bixiyo “CR7 Champions League” kadib markii uu caawa ku guuleystay tartanka markii 5-aad.

Ronaldo ayaa noqonaya cayaaryahankii ugu horreeyay oo shan jeer koobkan ku guuleysta. Wuxuu sidoo kale kasoo muuqday finalkii lixaad.

Wuxuu markii 7-aad ku guuleystay gool dhalinta koobkan oo uu sidoo kale yahay xiddiga taariikhda koobkan ugu goolasha badan.

CR7 waa laacibka ugu goolasha badan finalka oo uu 4 gool ka dhaliyay iyo semi finalka koobkan oo uu ka dhaliyay 13 gool wuxuu ku celceliyay in ay haboon tahay in tartanka isaga loogu magac-daro.

Leave a Reply