Hordhac: Barcelona vs Chelsea – Valverde vs Conte – Miyey Blues Mar Kale Camp Nou Ku Reebi Doontaa Balaugrana?

0
63

Barcelona ayaa caawa gurigeeda kusoo dhaweyneysa dhigeeda Chelsea, kulan xiiso iyo xamaasad gaar ah leh, Blues ayaana maanka ku heysa ineysan wax guuldaro ah la kulmin afartii jeer ee ugu dambeysay oo ay Camp Nou soo booqato, markii ugu dambeysayna xusuus qurux badan ayey kala laabatay maadaama ay final-ka tartnaka Champions League u gudubtay sanadkii 2012.

Blaugrana waxey u baahan tahay iney guul gaarto ama ay kulanka ogolaato mar kale inuu ku dhamaado barbaro gool la’aan ah hadii ay dooneyso iney usoo baxdo wareega quarter final-ka, halka Blues ay u baahan tahay barbaro kabadan 1-1 iyo sidoo kale guul ay gaarto, waxeyna ciyaarta noqon doontaa caawa mid si weyn loo wada sugayo.

Antonio Conte ayaan la ogeyn caawa hadii uu Hazard ka dhigi doono lambarka 9-aad ee beenta ah iyo hadii uu Olivier Giroud aamini doono, balse waxaa loo badinayaa inuu kusoo gali doono shaxdii kulankii hore ee Bridge.

Leave a Reply