Hordhac: Man United vs Arsenal – Miyuu Wenger Guul Ku Sagootin Doonaa Garoonka Old Trafford

0
433

Manchester united ayaa soo dhaween doonta kooxda Arsenal ciyaarta ugu weyn asbuucan kulamada 35-aad ee horyaalka Premier League.

Wenger ayaa kulankiisii ugu dambeeyay soo booqanaya garoonka Old Trafford, waana markii ugu dambeysay oo isagoo Arsenal hogaaminaya uu la kulmayo dhigiisa Jose Mourinho maadaama uu baneynayo booska dhamaadka bisha May ee soo aadan.

Miyuu Wenger Old Trafford & Jose guuldaro ku sagootin doonaa? Mise isagaa ayaa lagu sagootin doonaa guuldaro kale? labaduba waa beenoobi karaan maadaama kulanka uu ku dhamaan karo barbaro lagu kala adkaan waayo.

 

Wararka labada koox

Manchester United waxaa ka maqnaan doona goolhayaha labaad Sergio Romero, oo dhaawac jilibkaa qaba.

Antonio Valencia ayaa kasoo kabtay dhibaato muruqaa oo soo gaartay kulankii todobaadkii hore ay la ciyaareen kooxda Tottenham afar dhamaadka koobka FA Cup.

Arsene Wenger ayaa la filayaa inuu isbadal ku sameyo kooxdii uu ku wajahay Athletico Madrid bartamaha todobaadkii hore tartanka Europe League.

Henrikh Mkhitaryan ayaa laga yabaa inuu soo laabto isagoo waji doona kooxdisii hore kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac jilibka ah , laakiin Mohamed Elneny ayaa ku maqnaan doona inta ka harsan kal ciyaareedka dhaawac anqawgaa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Fool ka Fool

Manchester United ayaa guuldaro la’aan ah 10 kulan ay arsenal kula ciyaartay garoonkeeda tan iyo bishii September sanadkii 2006, 7 jeer wey ku badiyeen halka 3 kulana ay barbaro galeen), waan markii ugu dheer tan iyo sanadkii 1961.

Red Devils kooxda lagu naaneyso ayaan labada kulamba guul ka gaarin Gunners horyaalka tan iyo fasal ciyaareedkii 2011-12 – Macalinkii ugu dambeyay oo aan aheen Sir Alex Ferguson ee labada is aragba garaaca Arsenal wuxuu ahaa Ron Atkinson kal ciyaareedkii 1984-85.

Manchester united

United ayaa laga yabaa iney guuldareysato kulankii labaad oo xariir ah ciyaaraha horyaalka ee garoonka markii ugu horeysay tan iyo bishii March sanadkii 2014, uu kooxda leylinayay David Moyes.

Afar kamid ah lixdii guuldaro ee united soo gaartay xili ciyaareedkan waxeyn imaanayeen kulamada ay ciyaarto maalinta axadaa, waxaana kamid ah labadii guuldaro ee garoonkeeda kala kulantay kooxaha Manchester City iyo West Brom.

Red Devils ayaa guuleystay afartii ciyaar ee u dambeysay oo ay la ciyaartay kooxaha hadda ka sareya kaalinta lixaad.

David De Gea ayaa sameyay 14 badbaadin ah ciyaartii hore ay Arsenal wajaheen xagaagan, waana goolhayihii ugu badnaa ee goolal intaas ah badbaadiya kulan ciyaareed.

Tani waa markii 19-aad oo ay iska hor imaan doonaan Jose Mourinho  iyo Arsene Wenger dhamaan tartamada – Mourinho wuxuu ahaa guuldaro la’aan 13-kii kulan ee ugu horeyay laakiin wuxuu guuldareystay labo kamid ah shantii ciyaar ee lasoo dhaafay, laakiin marnaba guuldaro garoonkiisa kalama kulmin Wenger todoba kulan uu soo booqday  afar wuu badiyay halka 3 ay barbaro galeen.

Arsenal

Arsenal waa kooxda kaliya ee afarta horyaal England guuldareysatay dhamaan kulamad horyaala ay banaanka kusoo ciyaartay sanadkan 2018.

Hadii ay guuldareystaan kulankan wuxuu noqon doonaa markii lixaad xariir ah oo ay ku badin wayaan kulamada banaanka ee horyaalka, tan iyo todoba kulan xariir ah oo ay guuldaro la’aan ahaayeen ciyaarha banaanka laga soo bilaabo bishii October 1965 ilaa bishii January 1966.

Arsenal ayaa heysta 57 dhibcood iyadoo kulamada horyaalka ay ka hartay afar ciyaar.waana dhibcohoodii ugu hoseyay inta  uu leylinayo Arsene Wenger tan iyo xili ciyaareedkii 2005/06 oo ay la yimaadeen 67 dhibcood.

Kani waa kulankii ugu dameeyay uu booqanayo garoonka Old Trafford macalinka arsenal  – markii ugu horeysay uu booqay waa looga soo adkaaday waxeyna aheyd  bishii  November sanadkii 1996 ciyaar ku dhamaatay 1-0, halka sido kale uu garoonkan kala kulmay guuldaradii ugu weyneyd ee horyaalka Premier League waxaana lagu garaacay 8-2 bishii August  sanadkii 2011.

Tartanka: Premier League

Saacada: 06:30 pm xiliga geeska afrika

Garsooraha: Kevin Friend

Garoonka: Old Trafford

Shaxda Macquulka Ah:

Man United: De Gea; Valencia, Smalling, Jones, Young; Matic, Herrera, Pogba; Sanchez, Lingard, Lukaku

Arsenal: Cech; Chambers, Mustafi, Holding, Kolasinac; Willock, Xhaka; Welbeck, Iwobi, Nelson; Aubameyang

By:Suldaan Bishaar Mayow 

Leave a Reply