HORDHAC: Stoke City vs Manchester City

0
110

Hogaamiyayaasha Premier League ayaa u safraya naadiga Stoke City.

Wararka Labada dhinac:

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado labo usbuuc kaddib dhaawac jilibka ah.

Dhaliyaha reer Argentina ayay dhibaatadu ka soo gaartay tababarka kooxda wuxuuna seegi doonaa kulanka caawa.

Weeraryahanka Stoke City ee Mame Diouf ayaa isna lagu wadaa in dhaawac garabka ah uu kulanka ku seego.

Kevin Wimmer iyo Saido Berahino ayaa laga yaabaa inay dib ugu soo laabtaan shaxda.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Stoke City vs Man City (Premier League)

Goobta: bet365 Stadium

Goorta: 11:00 Habeenimo

Garoorka: Jon Moss (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

◾Manchester City ayaa adkaatay labo ka mid ah sadexdii kulan ay booqatay Stoke (labaduna min 4-1 ayay ku badisay) laakiin waa labada guul ee kaliya ay ku soo gaartay garoonka Stoke sagaal kulan oo Premier League ah (2-guul, 5-bar baro iyo 2-guul darro).

◾Guul ay Man City caawa ka gaarto Stoke ayaa ka dhignaan doonta in markii ugu horreysay ay labada lugba ka adkaato tan iyo 1998-99, kolkaa ay labada koox ka wada tirsanaayeen heerka saddexaad.

◾Man City ayaa lugtii hore ku soo adkaatay 7-2 14-ka bishii Oktoobar, waana markii labaad oo qura ay Todobo gool ku adkaato Premier League (Norwich ayay 7-0 ku mareen 2013-dii)

◾Waa markii Labaad oo Stoke looga adkaado Todobo gool hal kulan oo Premier League ah waxaana horey ugu soo garaacday Chelsea 7-0 sanadkii 2010.

Safafka Macquulka ah ee Stoke City vs Manchster City:

Leave a Reply