Joachim Low oo ka hadlay sababta uu Leroy Sané kaga saaray liiska xulka Germany ee koobka aduunka 2018

0
309

Macalinka xulka qaranka Germany Joachim Low ayaa ka warbixiyay go’aankii rasmiga ahaa uu kaga saaray xidiga kooxda Manchester City Leroy Sané liiska xulka qaranka Germany ee koobka aduunka 2018 ka furmi doono 14-ka bixishan dalka Russia.

58 jirkan ayaa ku dhawaacay maanta oo isniin ah 23-ka xidig ee xulka Germany kaga qeyb gali doona koobka aduunka 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Xulka Germany ayaa wuxuu doonayaa inuu difaacdo koobkan kadib markii ay kusoo guuleysteen kii ugu dambeeyay ee 2014 ka dhacay dalka Brazil, waxayna kaga guuleysteen dhigooda Argantina.

Joachim Low  oo kahadlayay sababtii uu kaga saaray Leroy Sané  ayaa wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa go’aan aad u adag ee u dhaxeeyya Leroy Sané iyo Julian Brandt, ugu dambeyna waxaan qaatay oo maslaxd u arkay, Draxler. Marco Reus, Thomas Müller oo booskooda ilaashaday, sidoo kale Leroy wuxuu leeyahay tayo heersaro ah”.

“Wuxuu markale soo laaban doonaa September, wali ma uusan gaarin qaab ciyaareedka kulamada caalamiga ah”.

Leave a Reply