Jose Mourinho Oo Jawaab Quus Ah Real Madrid Ka Siiyay Damacooda Goolhaye David De Gea Ka Hor Kulanka Sevilla Ee Caawa.

0
117

Goolhaye David de Gea ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, maadaama sadexdii sano ee ugu dambeysay uu dooqa koowaad u ahaa Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimadda waxey u baahan tahay goolhaye cusub kaas oo badal u noqda Keylor Navas oo kusii dhawaanaya da’da looga fariisanayo ciyaaraha kubadda cagta walow uu waxqabad aan caadi aheyn soo bandhigayo.

Jose Mourinho ayaa si adag uga hadlay mustaqbalka goolhaye David de Gea ka hor kulanka caawa ee Sevilla isagoo si adag ugu sheegay Real Madrid in arrinku uu yahay mid ay mudan tahay iney iska iloobaan.

“Waxaan u maleynayaa inuu joogayo” ayuu yiri Jose Mourinho oo la hadlayay La Sexta.

“Ma garan karo waxa uu yahay dareenka Real Madrid, balse hadii aan ayaga ahaan lahaa, waxaan ka fakari lahaa ciyaariyahan kale”

Dhanka kale Jose Mourinho wuxuu shaaca ka qaaday ineysan ka mid aheyn kooxaha ugu cad-cad ku guuleysiga koobka horyaalada yurub ee Champions League.

“Uma maleynayo inaan nahay kuwa ugu cad-cad iney ku guuleystaan Champions League” ayuu yiri macalinka reer Portugal gabagabada shirka jaraa’id.

Leave a Reply