Jürgen Klopp Oo Si Cajiib Ah Uga Falceliyay Markii La Waydiiyay In Kulankiisii 100-Aad Ee Liverpool Uu Kaga Hor Iman Doono Crystal Palace.

0
231

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa si cajiib ah uga falceliyay in kulankiisii 100 aad ee waayihiisa tababaranimo ee kooxdiisa Reds. Liverpool ayaa u safraysa garoonka Selhurst Park iyaga oo xili qadaha England marti u noqon doona kooxda Crystal Palace.

Jürgen Klopp ayaa shaqada Liverpol la wareegay October 2015 kii markaas oo uu badalay Branden Rodgers wuxuuna hadda Reds soo maamulay 99 kulan isaga oo muddo laba sano iyo badh ah gacanta ku soo hayay kooxda Liverpool.

Jürgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa Liverpool ay ku jirto xaalad fiican isla markaana ay isku diyaarineen mustaqbalka wuxuuna si amaan u soo jeediyay kooxdiisa iyo jamaahiirta kooxdiisa isaga xusay in wax badan ku soo raaxaystay kulamadii uu Reds ka soo shaqeeyay.

Markii Jürgen Klopp waxa laga waydiiyay in kulankiisii 100 aad ee Reds uu gaadhayo kulanka Premier League ee Crystal Palace ayuu ku jawaabay: “100? Wow! Wow! Imisa ayaan ku soo raaxaystay? mararka qaar in badan mararka qarna in ka yar waa runtaasi. Guud ahaan, aniga aragtidayda, waxa uu xaqiiqdii ahaa waqti fiican, waanan ku soo raaxaystay”.

Leave a Reply