Kooxda Real Madrid oo markaan doonaysa Weeraryahanka Man United ee Marcus Rashford

0
270

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa la soo warinayaa inuu bartilmaameed u yahay Real Madrid oo ay rabto inay u kaxaysato caasimadda Spain.

Kaddib markii ay xilli ciyaareedka horyaalka La Liga ku bilaabatay qaab hooseeya, kooxda reer Spain ayaa la soo warinayaa inay isbedel weyn ku sameyn doonto shaxdeeda xagaaga.

Xiddigaha magaca leh ee diiradda u saaran Real Madrid waxaa ka mid ah Weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane iyo midka Bayern Munich ee Robert Lewandowski, kuwaasoo midkood ay doonayso inay keensato garoonka Bernabeu.

Sida uu warinayo Wargeyska Sport, Rashford ayaa ah ciyaaryahan kale oo diiradda u saaran tababare Zinedine Zidane, kooxda Real Madrid ayaana la sheegayaa inay tixgelinayso sidii ay xagaaga u soo qaadan lahayd xiddiga xulka qaranka England.

Rashford ayaa ah mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan shaxda tababare Jose Mourinho, laakiin 20-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogta ah ka helo safka hore ee Man United tan iyo bilowgii sanadkan 2018, gaar ahaan horyaalka Premier League.

Wadar ahaan xilli ciyaareedkan, Rashford ayaa dhaliyey 12 gool 22 kulan oo uu ku soo bilowday safka hore iyo 19 kulan oo uu ka soo kacay kursiga keydka tartammada oo dhan, inkastoo saddex ka mid ah goolashaas ay yimaadeen tan iyo 10 bishii December.

Rashford ayaa haatan heshiiskiisa kooxda waxaa kaga harsan in ka badan labo sanadood, laakiin Man United ayaa dooq u haysata inay heshiiskiisa ku darto sanad kale oo dheeri ah.

Leave a Reply