Laacib caan ka ah Premier League oo soo qaadanaya tababar Ciidan muddo 2-sano ah

0
174

Kooxda Tottenham ayaa aad uga walwal san xaalada mid kamid ah ciyaartoydeeda oo u baxaya tababar ciidan muddo dhan 2-sano.

Weerar yahanka Tottenham ee Heung-Min Son ayaa ku qasban inuu isaga tago kooxdiisa si uu u soo guto waajibaadka dalkiisa South Korea sida ay baahisay The Sun.

Sharciga South Korea ayaa qoraya inay waajib ku tahay ragga oo idil inay shaqo qaran u qabtaan dalkooda 21-bil ka hor inta da’doodu aysan gaarin 28-sano.

Laacibka ayaa gaaraya waqtigii looga yeeri lahaa shaqada ciidan 2019, haddii loo yeero wuxuu si rasmi ah u seegi doonaa xiliciyaareed yada 2019/2020 iyo 2020/2021.

Sidaas oo ay tahay, xukuumada South Korea ayaa cafis u fidisa ciyaartoyda ciyaara kubadda cagta isla markaana ka soo muuqda koobabka waa wayn.

Tottenham oo qaab ciyaareed fiican ku jirta ayaa laga yaabaa inay hesho fursad ay ku sii haysan karto Heung-Min Son gaar ahaan haddii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo xulkiisa koobka adduunka.

Heung-Min Son ayaa sidoo kale ka badbaadi kara inuu aado tababarka ciidan haddii South Korea ay ku guulaysato ciyaaraha Asia ee 2018 ama Koobka Asia oo la qabanayo 2019, waxaa intaas sii dheer qaabka laacibku uu uga soo dhex muuqdo xulkiisa koobka adduunka ee sanadkaan lagu qabanayo Ruushka.

Leave a Reply