Leicester City oo sameysay saxiixeedii ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub.

0
267

Naadiga lagu naaneyso Foxes ee Leicester City ayaa la soo wareegay daafac garabka Midig ee xulka qaranka Portugal iyo naadiga FC Porto ee Ricardo Pereira.

Leicester ayaa daafacan ku soo iibsatay adduun dhan 22.5 milyan oo bound.

Pereira ayaa aad ugu faraxsan inuu Foxes kula soo biiro xiddiga ay isku xulka yihiin ee Adrien Silva.

“Aadaan u faraxsanahay inaan halkan joogo ma sugi karo inaan sameeyo teyda ugu fiican si aan kooxda u caawiyo,” Ricardo Pereira ayaa sidaa u sheegay LCFC TV.

“Jawiga, Taageerayaasha iyo kubbada cagta Premier League ayaa ka dhigtay inuu yahay horyaalka ugu fiican adduunka.

“Waxaan halkan u jooga a inaan taageero kooxda aana caawiyo si ay u gaarto yoolkeeda.”.

Leave a Reply