Liverpool Oo Isku Diyaarinaysa Inay Lacag wali ah Kusoo Xero Galiso Xiddig Ay Si Xor Ah Ku Fasaxday Sanado Kahor.

0
337

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay lacag dhan 35 milyan dib ugula soo wareegto garabka kooxda AC Milan ee Jesús Joaquín Fernández Sáenz de la Torre Suso kaasoo saddex sano kahor qaab xor ah uga baxay Anfield uguna biiray AC Milan heshiis afar sano ahaa.

Klopp ayaa bishii January hore isugu dayay lasoo wareegida xiddigan balse ku guuldaraystay inuu soo xero galiyo, 25 jirkan ayuu heshiiskiisa haatan dhacayaa sanadka 2022 iyadoo lacagta lagula wareegi karaa ay tahay 35 milyan taasoo u muuqata mid raqiis ah marka loo fiiriyo xaalada haatan ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suso ayaa sanadkii 2010 kusoo biiray kooxda Liverpool isagoo kaga yimid kooxda Cadiz waxaana uu ku guuldaraysatay inuu isku muujiyo Reds oo uu 21 kulan u saftay isagoo ugu dambayn albaabka Anfield ka baxay sanadkii 2015 waxaana uu haatan xubin muhiim ah ka yahay kooxda koowaad ee Gennaro Gattuso ee AC Milan.

 Xiddigan ayaa qaab ciyaareedkiisa wacan ku mutaysatay in looga waco qarankiisa Spain isagoo shabaqa taabsiiyay lix gool sidoo kalena caawiye ka noqday shan gool.
By:Suldaab Bishaar

Leave a Reply