Maamulka Barcelona Oo Ka Hadlay Wararka Xanta Ah Ee Sheegaya Soo Laabashada Neymar Jr, Miyey U Riyaaqeen?

0
86

Maamulka Barcelona ayaa kala cadeeyay fikirkooda ku aadan wararka xanta ah ee sheegaya in Neymar Jr uu dib ugu soo laabanayo garoonka Camp Nou, waxeyna carabka ku adkeeyeen ineysan dhexda ka gali doonin doodda ku saabsan mustaqbalka xidiga reer Brazil.

Afhayeenka kooxda Barcelona Josep Vives ayaa si faah-faaahsan uga hadlay wax walba oo la xiriira arintaas iyadoo sidoo kale ay jireen in ciyaartoyda Ivan Rakitic iyo Philippe Coutinho ay ka hadleen arinta la xiriirta saaxiibkooda Neymar.

“Kama warqabno in Neymar uu doonayo kusoo laabashada Barcelona” ayuu yiri Vives oo la hadlay warbaahinta.

“Ciyaariyahanka reer Brazil waa mid isaga tagay kooxda, waxaana u rajeynay nasiib waqtigii uu kooxda isaga tagay” “Tan iyo markaas, wax kale oo dhacay ma jiraan”

“Ma dooneyno inaan dhexda ka galno doodaas malada ah oo ku saabsan wax uu qof ka sheegay ciyaariyahan aan hadda naga mid aheyn”

Leave a Reply