Mesut Ozil Oo Ka Hadlay Bixitaanka Arsene Wenger, Isagoo Dhinaca Kale Qeexay Wax Qabadkiisa

0
275

Mesut Ozil ayaa ka hadlay bixitaanka Arsene Wenger, wuxuuna ku faanay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hoos shaqeeyo, tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Real madrid.

Laacibkan xulka Germany ayaa kaga faalooday “Sky Sports” macalinka reer France: “Waa sababta ugu weyn ee aan ugu biiray Arsenal, wuu igu qanciyay, waana ku faanayaa inaan inaan ka hoos shaqeeyay”.

“Qof walba wuxuu u hayaan ixtiraam, wuxuu kusoo guuleystay koobab fara badan, wuxuu sidoo kale hor mariyay qaab ciyaareedka xidigo dhowr ah, wuxuuna inta badan ciyaaraa kubada cagta ee aad u wanaagsan”.

“Waa shaqsi run badan ee mudan qadarin, wuxuu leeyahay dabeecad aad u wanaagsan, qof walba ayaana doonaya inuu ka hoos shaqeeyo”.

“Waa shaqsigii suuragaliyay inaan halkan imaado, isla markaana rabay inaan kusii sugnaado, waxaan u sheegay inaan ku faraxsanahay halkan, marna ma dooneynin inaan ka tago Arsenal,

“Waana sababta aan heshiiska ugu kor dhiyay kooxda, haatan waxaan rajeeneynaa inaan ku guuleysano wax yaabo badan ee aan hiigsaneyno”.

“Wuxuu i siiyey xoriyad si aan u noqdo xidig wanaagsan, wuxuu had iyo jeer ii sheegi jiray inaan wax walba sameeyo. wuxuu i siiyey kalsooni, aan kusoo bandhigi karo wax walba ee awoodeyda ah si aan isaga dartiis ugu dagaalamo”.

Leave a Reply