Neymar Junior Oo Doonaya In Ka Hor Koobka Aduunka La Dhameeyo Heshiiska Uu Ugu Biirayo Real Madrid.

0
79

Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Jr ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo ku biiritaanka Real Madrid isla markaana la dhameeyo wax walba oo ku saaban ka hor koobka Aduunka ee bartamaha sanadkaan ka dhici doona dalka Russia.

Neymar Jr oo hadda ku sugan dalka Brazil isagoo kasoo kabsanaya qaliin cagta looga sameeyay, waxaana isi soo taraya wararka la xiriira mustaqbalkiisa ee ka fogeynaya Parc des Princess.

Saxiixa ugu qaalisan dunida Neymar Junior oo xagaagii laga soo gudbay ku biiray Paris Saint Gemain, ayaa hadda doonaya in wax walba oo la xiriira mustaqbalkiisa la hagaajiyo ka hor inta aan la gaarin koobka aduunka

.

Wargeyska SPORT ee kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa qoray in aabaha dhalay xidigaan reer Brazil uu xiriir wacan la leeyahay Real Madrid isla markaana laba jeer kulammo la qaatay Florentino Perez.

26-jirka heerka caalami kaas oo inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan aan kasoo muuqan doonin kooxdiisa wuxuu hamuun u qabaa dib ugu laabashada La Liga, walow ay jiraan warar la xiriirinaya Barcelona hadana wax walba hadda waxey ku fooraraan Los Blancos.

Paris Saint Germain ma dooneyso iney xidigaan bixiso, balsehadii ay ka maarmi weyso kaliya 400 Malyan oo Euro ayey ku iibin doontaa taasoo mar kale ka dhigi doonta xidigaan saxiixa ugu qaalisan dunida.

Leave a Reply