Pep Guardiola Oo Sheegay In Ku Guuleysiga Premier League-ga Uu Ka Adag Yahay Horyaalada Bundesliga iyo La Liga.

0
234

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay ka dib guushii ay ka soo gaareen Tottenham Hotspur, in ku guuleysiga horyaalka Premier League-ga uu ku adag yahay horyaalada La Liga iyo Bundesliga.

Manchester City ayaa Wembley Stadium ku soo garaacday kooxda Tottenham waxayna Sky Blues ka soo kabsatay maalmo murugo badan oo ay laba guuldaro kala soo kulantay Liverpool isla markaana ay kulankii Manchestr Derby si liidata ugu hor kuftay Man United, laakiin kooxda Guardiola ayaa si xoogan uga jawaabtay waxayna 3-1 ugu soo awood sheegatay Tottenham.

“Shaki kuma jiro in ku guuleysiga horyaalka Premier League uu ka adag yahay horyaalada La Liga iyo Bundesliga, sababa la xidhiidha farqiga u dhaxeeya garoomada, cimilada iyo kulamada badan ee aan nasiinada lahayn”.

“Waxaan sugeynaa guusha maalinta Axada si aan si rasmi ah ugu guuleysano horyaalka, hadii ay taasi dhacdo, waxay ii noqon doontaa xusuus inta ka dhiman cimrigeyga, waxay noqon doontaa wax wanaagsan, sida marka aan ku guuleystan markii ugu horeesay horyaalka La Liga, si la mid ah markii aan ugu guuleystay Champions League sanadii 2011 Wembley Stadium”.

Haddii ay dhacdo in Manchester United oo kaalinta labaad kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka Premier League-ga in kulanka maanta ay guuldaro kala kulanto dhigeeda West Bromwich Albion, waxay ka dhignaan doontaa in Pep Guardiola iyo wiilashiisa si rasmi ah loogu caleema saari doono ku guuleysiga Premier League, iyadoo uu ka harsanaan doono horyaalka 5 kulan, ama sidoo kale sheekadu ayaa suuragal noqon karta in lagu soo afjari doono kulanka xiga ee Swansea City

By:Suldaan Bishaar

Leave a Reply