Rasmi: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Uu Arturo Vidal Seegi Doono Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka

0
352

Boqorka Khadka Dhexe Arturo Vidal ayaan fursad u haysan doonin in uu ka hor tago kana aarguto kooxda Real Madrid Semi-finalka tartanka champions League kadib dhaawac soo gaaray xiddiga.

Xilli ciyaareedka xiddiga reer Chile ayaa soo dhamaaday kadib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray Jilibka intii uu ku jiray tababarka kooxdiisa.

Kadib markii kaarka cas loo taagay xiddiga kulankii Benabeu xilli ciyaareedkii hore Vidal ayaa rajaynayay in uu taam u noqdo kulan ugu yaraan lugta inkasta oo uu qaliin jilibka ah maray kadib dhaawac tababarka ka soo gaaray.

Si kasta ha ahaatee Bayern Munich ayaa xaqiijisay in xilli ciyaareedka Vidal uu soo dhamaaday kadib markii qaliin lagu sameeyay xiddig dhaawaciisuna ka xumaaday sidii markii hore.

Jupp Heynckes ayaa haatan wajahay dhibaato khadka dhexe isaga oo kaliya haysta xiddigaha Corentin Tolisso, Sebastian Rudy, Javi Martinez Iyo James Rodriguez.

 By:Suldaan Bishaar

Leave a Reply