Real Madrdid Oo Baraha Bulshada Ku Xustay Zidane Marka Laga Reebo Laba Laacib.

0
321

Ciyaaryahanada Real Madrid waxa ay baraha bulshada ku muujiyeen kalgacalka ay u qabaan Zinedine Zidane kaddib markii uu iska casilay shaqadii tababarenimo ee kooxda.

Zidane waxa uu si lama filaan ah uga tagay Real Madrid shan maalmood kaddib markii uu ku soo guuleystay Champions League-ii saddexaad oo xiriir ah, ciyaaryahanada waxa ay beegsadeen baraha bulsada.

Aqlabiyadda ciyaaryahanada Real Madrid durbadiiba waxa ay xuseen Faransiiska kaas oo 9 koob la qaaday, 104 guul gaarsiiyey isaga oo dheelay 149 kulan tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo 2016.

Hase ahaatee, ma jirin farriimo yaalay akoonada Mateo Kovacic iyo  Gareth Bale.

Labadooda waxa ay ahayeen kuwa qura ee 24-ka ciyaaryahan ee safka Madrid oo aan farriin soo dhigin bartooda baraha bulshada.

Leave a Reply