Sergio Aguero oo Labo Usbuuc garoomada ka maqnaanaya.

0
90

Dhaliyaha Manchester City Sergio Aguero ayaa garoomada ka maqnaan doona labada usbuuc ee soo socota kaddib dhaawac jilibka ka gaaray.

Xiddiga reer Argentina ayay dhibaatadu ka soo gaartay tababarka kooxda.

Aguero ayaa qaab ciyaareed shidan ku jiray isagoona dhaliyay 30 gool xilli ciyaareedkan dhammaan tartamada oo 21-ka mid ah ka dhaliyay Premier League.

Balse sida uu laacibka ku sheegay bartiisa Twitter ka wuxuu seegi doonaa kulanka caawa iyo labada usbuuc ee soo socota.

Wuxuu kaloo sheegay in dhaawacu ka soo gaaray tababarka isla markaana ay dhakaatiirtu u sheegeen inuu maqnaan doono labo usbuuc.

Leave a Reply