Sergio Ramos Oo Ku Qasbanaaday Inuu Iska Badalo Lambarada Taleefoonkiisa.

0
352

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku qasbanaaday inuu iska badalo lambarka taleefoonkiisa kadib markii uu helay hanjabaado kaga imaanaya taageerayaal mayal adag oo ku heysta falkii uu ku dhaawacay Mohamed Salah.

Daafaca Los Blancos ayaa dhulka dhigay Mohamed Salah kulankii ay kooxdiisa Kiev 1-3 kaga badisay Liverpool, xiddiga reer Masar ayaa garabka uu dhaawac kasoo gaaray taasoo keentay in laga saaro ciyaarta sidoo kalana shaki la galiyo inuu ciyaari karo kulamada ugu soo horeeya ee Koobka Aduunka.

Salah haatan waxaa lagu soo waramayaa inuu seegi karo kulanka ay 15-ka June la ciyaari doonaan xulka Uruguay, sidaas darteed taageerayaal badan ayaa ka carooday habka uu u dhaqmay Ramos.

Dhanka kale waxaa jiray codsi lasoo dhigay baraha bulshada taasoo ay codeeyeen in ku dhaw 500,000 kun oo qof taasoo lagu dalbanaayo iney FIFA iyo UEFA talaabo sharci ah ka qaadaan Sergio Ramos.

Si kastaba shabakadda COPE ayaa shaacisay in Sergio Ramos uu ku qasbanaaday inuu iska badalo taleefankiisa gacanta kadib markii laga soo wacay lambaro aan la dareemi karin isla markaana loogu hanjabay dil.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in xitaa qoyskiisa ay ku qasbanaadeen iney iska badalaan taleefoonada, waxaana saameyn ku yeeshay falkii uu Ramos ka geystay magaalada Kiev.

Ugu dambeyntiina FA-ga Masar ayaa kalsooni ku qaba in Mohamed Salah uu aadi doono Russia isla markaana uu ciyaari doono qeybo ka mid ah kulamada ay ciyaari doonaan wareega group-yada.

Leave a Reply