Tababarahii Hore Real Madrid Fabio Capello Oo Arin Xasaasi Ah Ka Shifay.

0
285

Tababarahii hore Real Madrid Fabio Capello ayaa aaminsan in weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo uu qalbigiisa u dhaweynayo inuu dib ugu laabto magaalada Manchester isla markaana la midoobo tababare Jose Mourinho.

Mustaqbalka Ronaldo ayaa shaki la galinayaa kadib markii uu final-kii lagu ciyaaray Kiev ku sheegay inuu xilli dhaw jawaab ka bixin doono mustaqbalkiisa, hadal heyntaas waxaa xiga in laga saaro sawirada iyo muuqaalada ay kooxda kusoo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto fasalka dambe.

Iyadoo ay xaaladda sidaas tahay ayey hooyada xidigaan shaaca ka qaaday iney jeclaan laheyd dib ugu laabashadiisa garoonka Old Trafford isla markaana aysan wax xun aheyn inuu ku biiro Paris Saint Germain.

Fabio Capello wuxuu qabaa in Ronaldo uu doonayo dib ugu laabashada England halkaas oo uu ku qaaday saddex horyaal iyo hal Champions League ka hor inta uusan 80 Malyan oo Pound ugu wareegin Santiago Bernabeu 2009.

Madaxa fulinta kooxda Red Devils Ed Woodward ayaa qudhiisa doorbidaya inuu lasoo saxiixdo xiddiga shanta jeer hantay abaalmarinta Ballon d’Or maadaama uusan xilkaan heynin waqtigii uu ka ciyaarayay Ingiriiska.

“Cristiano Ronaldo wuxuu doonayaa inuu ku laabto Manchester United lana dhinac ahaado Jose Mourinho” ayuu yiri Cepello oo la hadlayay Sky Sport 24.

“Waxaan u maleynayaa inuu ugu dambeyn ka tagi doono Madrid si uu ugu laabto England. Goorma? ma garan karo”

Ugu dambeyntiina Ronaldo ayaa sheegay inuu maalmaha soo socdo jamaahiirta isaga jecel siin doono jawaabtii ugu habooneyd.

Leave a Reply