WAGAR: Amiirka Dalka Qatar oo PSG u sheegay in Neymar……(Real Madrid iyo Barcelona oo YAABAN!!)

0
118

 Real Madrid iyo Barcelona ayaa malah afka labadiisa kala haya kaddib Amiirka dalka Qatar oo u sheegay naadiga PSG inaan la iibin Neymar.

Xiddiga reer Brazil ayaa si wayn lala xiriirinayay inuu dib ugu soo laabanayo La Liga iyadoo Real Madrid ay u aragto badelka waqtiga dheer ee Cristiano Ronaldo.

Halka warar kale ay sheegayaan inuu qudhiisa u xiisay Barcelona uuna doonayo inuu dib ugu laabto.

Yeelkeede, Mundo Deportivo ayaa warineysa in Amiir Mundo Deportivo uu arrin dowladeed u arka in Neymar lagu sii hayo gegada Parc des Princes.

Wuxuuna u sheegay Madaxwaynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi inuusan xiddiga reer Brazil u ogolaan inuu kooxda ka tago xagaagan.

Hamad Al Thani ayaa 2015-kii aas aasay Maalgalinta ciyaaraha dalka Qatar taa oo iibsatay kooxda PSG 2011 kii.

Warbixinta ayaa waxay intaa ku darayaan in Amiirka uu arrinkan u arko mid ku xiran Sharafkooda iyo dadnimadooda balse aysan ahayn Lacag sidaa darteed uusan qiimo kasta ku iibin doonin Neymar.

Laacibka ugu qaalisan kubbada cagta Adduunka ayaa iminka garoomada uga maqan dhaawac ka gaaray cagta kaa oo qaliin looga sameeyay balse weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah uu garoomada ka sii maqnaan doono.

Leave a Reply