Warbixin: Tobaadkii 9-aad iyo dhacdooyinkii laga bartay Somali premier league,2017/2018.

0
659

Horyaalka Somali premier league 2017/2018 ayaa wali ka socanaya garoonka weyn ee Banaadir Stadiom.

Waxaa la ciyaaray tobaadkii 9-aad ,ayadoo la ciyaaray kulamadii ugu danbeeyay wareegga hore horyaalka Somaliya.

Sida caadda ahayad,waxaan tobaadkii mar idin soo gudbinaa dhacdooyinii laga diiwaangaliyay kulamadii tobaadkaa laga ciyaaray Somali premier league.

Tobaadkii 9-aad,waxaa jira dhacdooyin kala duwan oo laga soo calaamadeeyay horyaalka Somali premier league 2017/2018.

Hadaba aan ku bilaano kulamada shanta ah sida loo ciyaaray iyo dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay ama laga bartay.

41-Dekedaaha iyo Batrolka kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 5-0 oo ay ku badisay kooxda Dekeddaha.
Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-Faysa Xasan Xaashi oo dhaliyay mar kale goolasha loo yaqaano sedaxleeda,asiga oo dhanka gool dhalinta kalasiman laacibka lagu magacaabo Anwar Shankudha.

2-Mohamed Xasan ayaa dhaliyay goolkii afaraad ee horyaalka Somaliya 2017/2018.
3-Rymond ayaa dhaliyya goolkii sedaxaad ee horyaalka Somaliya 2017/2018.

4-Dekeddaha oo guul ku soo gabagabeesay wajiga hore ee horyaalka Somaliya 2017/2108.

5-waa kulankii 22-aad oo aana laga badin kooxda Dekeedaha.

6-Dekeddaha ayaa wajiga hore ku soo gabagabeesay,lix guul ah iyo sedax bareejo ah.

7-Batrolka ayaa wajiga hore ee horyaalka ku soo gabagbeesay hal badis shan bareejo ah iyo sedax guuldaro ah.

8-kulankaan waxaa garsoore ka ahaa garsoore Xamse wuxuu bixiyay kaarar gaaraya shan kaar sedax kaar wuxuu siiyay kooxda Dekeddaha halka Batrolka uu siiyya laba kaar.

42-Heegan Vs Waxool kulankaan,wuxuu ku soo dhamaaday 5-0 oo ay ku badisay kooxda Heegan FC.

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay

1-C,Risaaq Maxamed oo dhaliyay sedaxleedii ugu horeesay uu u dhaliyo kooxda Heegan FC.

2-Xasan C,laahi Shiikh oo noqday,ciyaaryahankii labaad ee gool dhaliya hadana roose qaata ,ka dib C,Casiis hoomeey.

3-Kabtan Catoosh oo dhaliyya goolkii sedaxaad ee horyaalka Somaliya 2017/2018.

4-Heegan oo guuleesatay afar kulan,ka dib markii ay ciyaartay wajiga hore ee horyaalka 9-kulan,ayadoo wareego hore ku soo gabagabeesay afar guul ah afar bareejo ah iyo hal laga badiyay 13 dhboocdna keesatay.

5-kulankana,waxa garsoore ka ahaa Garsoore Siyaad,wuuxu bixiyay kaarar gaaray afar kaar oo kuwa digniinta ah iyo hal roose laba kaar oo digniin ah iyo hal roose wuxuu siiyay Heegan,ayadoo roosaha uu ka qaatay heegan Xasan C,Laahi Shiikh,ka dib markii uu qaatay jaalihiisa labaad.

Laba kaar oo digniin ahna,waxaa la siiyay kooxda Waxool.
Waxool ayaa ku soo gabagabeesay wajiga hore ee horyaalka ayadoo leh shan dhibcood 11 goolna lagu lee yahay 9-kii kulan ay ciyaartay hal jeer ayee guuleesatay laba jeerna bareejo ayee gashay lixda kulan ee kalana waa laga badiyay

43-Gaadiidka iyo MBC kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku badisay kooxda Gaadiidka.

Dhacdooyinkii klulankaan laga bartay
1-Gaadiidka ayaa gaartay guushii ugu horeesay horyaalka ,ka dib 8 kulan oo ay horay u soo ciyaartay.

2-Bille Muxudiin Buraale ayaa dhaliyay goolkii labaad ee horyaalka Somaliya 2017/2018.

3-MBC ayaa la kulantay guuldaradii afaraad oo xiriir ah,ka dib 9 kulan oo ay ciyaartay.

4-Waa markii ugu horeesay Gaadiidka ay ku dhameesato kooxda ugu hooseeso horyaalka ,tan iyo markii dib loo aas-aasay.

5-kulankaan,waxaa garsoore ka ahaa garsoore Maxamed Somali wuxuu bixiyay kaarar gaaraya 6 kaar oo kuwa digniinta ah min sedax kaar ayuu siiyay labada dhinac..

44-Elamn FC iyo Horseed kulankaan wuxuu kus oo dhmaaday 2-0 oo ay ku badisay kooxda Horseed.

Leave a Reply