Wargayska Marca Oo Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Lionel Messi Bixiyay Ka Soo Xulay 15 Odhaahood Oo Muhiim Ah.

0
384

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa bixiyay waraysi aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana waraysigan si gaar ah xog muhiim ah uga soo dhex saaray wargayska Marca oo ka soo baxa caasimada dalka Spain ee Madrid. Lionel Messi ayaa waraysigan lagu waydiiyay arimo aad u badan oo kooxdiisa, qarankiisa iyo dhacdooyin kale oo kubbad cagta ah wax looga waydiiyay.

Lionel Messi ayaa waraysigan si cad ugu sheegay in ay isaga wax aad u adag ku tahay in uu ka fikiro ka bixitaanka Barcelona waxaana la waydiiyay haddii ay suurtogal tahay in saaxiibkiisa Aguero uu Manchester City kula ciyaari karo balse waxa uu si sahlan u sheegay in haddiiba ay dhacdo in Aguero ay wada ciyaaraan in ay noqon doonto mar ay Barca isaga la soo saxiixatay.

Lionel Messi ayaa sidoo kale sheegay in dhiiro galin wayn uu ka qaado marka uu arko Real Madrid ku guulaysanaysa koobka La Liga ama soo gaadhaysa finalka Champions League. Messi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday koobkii uu sida ugu farxada wayn ugu dabaal degay.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa 15ka qodob ee uu wargayska Marca ku soo koobay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu Lionel Messi waraysigan kaga hadlay halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Leave a Reply