Yaa Ugu Cad Cad? Lionel Messi Oo Ka Hadlay Fursadihiisa Koobka Aduunka.

0
305

Xiddigga Argentina Lionel Messi waxa uu ka hadlay wadanka uu is leeyahay wey ugu cad cad yihiin koobka aduunka.

Messi wali kuma guuleysan koob aduun, xagaagan waxa uu haystaa fursaddiisii ugu dambeeysay.

Argentina waxa ay ka mid tahay wadamada loo saadaalinayo hanashada koobka aduunka maadama ay 2014kii gaadhay fiinaalaha balse guuldarro kala kulantay Germany.

Germany oo haysata koobka ayaa iyaduna ka mid ah kuwa loo saadaalinayo in ay ku guuleystaan.

Hadda Germany waxa taageeray Messi, walow xiddigga Barcelona aaminsan yahay in aysan waxba hubanti ahayn.

“Dhammaan xulalka kubadda cagta ee waa weyn waxa ay ku bilaabi doonaan iyaga oo saadashu la jirto,” ayuu Messi Times of India u sheegay.

“Riyadeydu wali waa sidii – in aan tago fiinaalaha oo aan koobka ruxo. Wey adag tahay runtii in heerkaas la garro oo la dheelo fiinaalaha koobka aduunka.

“Xulka koobka haysta, Germany waxa ay isku dayyi doonaan in ay markale qaadaan.

“Spain waa xul wanaagsan oo meel fog gaari kara. Brazil iyo Portugal is reeb reebkii wax wanaagsan ayey ka soo sameeyeen, sida France.

“Waan wada ognahays sida ay u adag tahay in lagu guuleysto koobka aduunka, laakiin waan wada rabnaa, Argentina wey rabtaa.”

Leave a Reply