Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaareedka Kulankii Ugu Horeeyay Uu Wiilkiisa Luca Zidane Kasoo Muuqday Horyaalka La Liga Ee Dalka Spain.

0
340

Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka cajiibka ah uu sameeyay xidiga reer Weles ee Gareth Bale kulamadii lasoo dhaafay, isagoo dhinaca kale ka hadlay qaab ciyaareedka goolhaayaha da’ayarka ah ee wiilkiisa Luca Zidane.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu u sheegay wargeyska “Marca” ee dalka Spain: “Waxaanahay diyaar mana jiraan wax dhaawac ah ee aan qabno, waxay muhiimada ahayd inaan u ciyaarno si aan ugu diyaar garoowno kulanka finalka Champions League, Ma ka hadli doono xeelad ama wax ku saabsan finalka”.

Intaas kadib Zidane ayaa wuxuu amaanay qaab ciyaareedka xidiga reer Weles ee Gareth Bale wuxuuna yirdhi: “Marna ma uusan is dhiibin, ma jiraan wax iska badalay kaliya haatan wuxuu dhalinayaa goolal badan wuxuu ku faraxsan yahay doorkiisa iyo waxa uu sameynayo, hadii uu jiro isbadal kaliya waa goolasha uu dhawaan dhaliyay”.

Halyayga reer France ayaa sidoo kale ka hadlay qaab ciyaareedka wiilkiisa Luca Zidane wuxuuna yiri: “Waa xidig ka tirsan kooxda shaqo fiican ayuu qabtay, waana ku faraxsanahay muuqaalkiisa ugu horeeya ee horyaalka La Liga dalka Spain”.

Zidane ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Ma ahan wax igu adag inaan kala door bido aaba nimada iyo shaqada tababarka, waa xidig kaloo ka tirsan kooxda waan sida aan u arko, waxay ahayd inuu kasoo muuqado kulankiisa ugu horeeya waana ku faraxsanahay, waxaan u faraxsanahay tababare ahaan iyo aabo ahaanba, waxaan ku arki doonaa marka xigta guriga isagoo qoslaya”.

“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan qeybta hore ee ciyaarta, laakiin qeybta labaad waxaan ka fekereynay finalka, marka ay taasi dhacdo, dhibaatooyinka waa ay bilaabanayaan, waxaan horyaalka ku bilaawanay si xun, si fiican ayaana ku dhameesanay haatan waxaan heysanaa qaab ciyaareed aad u qurxoon”.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay “Kama hadli karno horyaalka, sababtoo waa uu dhamaaday, haatan waxaan ku guuleysan karnaa Champions League, waxaan idin xaqiijin karaa inaan ku faraxsanahay inaan ciyaarno kulanka finalka, laakiin waxaan rajeyneynaa inaan mar walba ku guuleysano wax walba, waxaan dooneynaa inaan sameyno wax sax ah, Waxyaabo aad u wanaagsan ayaan horey ugu guuleysanay, hadana waxaan markale joognaa finalka UCL”.

Leave a Reply