Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay xubno ka tirsan Shabaab

0
249

Ciidamada Ammaanka ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u aasaayay wadda u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed in la qabtay labo qof, kuwaasoo Miino ku Aasaayay wadada.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuraddiin Gacma ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay qarxiyeen Miinadii, islamarkaana hadda labada nin la geenay Magaalada Baydhabo.

 

Leave a Reply