Abu Mansur Oo Gaarey Degmada Xudur iyo Kulamo uu Laqaatay Maamulka Degmada

0
268

Xudur(HSM)_Wararka laga helayo Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu halkaasi gaaray Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo Maanta gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey halkaas .

Muqtaar Rooboow Oo La Sheegey in Gobolada KG Somalia uu ka wado abaabulka dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa degmada Xudur waxa uu kulan kula qaatay waxgaradka degmadas isaga oo kala hadlay sidii loogu taageeri lahaa dagaalkaas.

Roobow oo ay Ciidamo farabadan ka joogan Gobolka Bakool ayaa tan iyo markii uu u soo goostay dhanka dowladda waxa uu waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaana la sheegay in Ciidamadiisa iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay wada qaadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Safarka uu Muqtaar Roobow Maanta ku tegay Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo mar soo noqday gudoomiyaha Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii, Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli kama hadlin booqashada degmada Xudur ee Muqtaar Rooboow waxana xusid mudan uu uu horay dhowr mar u tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Leave a Reply