Ammaanka wadada hormarta Villa Somalia oo si aad ah loo adkeeyay

0
292

Muqdisho(HSM)_Ammaanka wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad loo adkeeyay, kadib markii shalay uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Kontoroolka isgoyska Sayidka oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooytada Soomaaliya ee Koofi guduuda.

Ismiidaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo kaxeynayay gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa shalay gelinkii dambe beegsaday Kontoroolka Sayidka, wuxuuna halkaasi ku dilay Saddex qof oo midi uu ahaa Askari.

Difaacyo cusub ayaa lagu kordhiyay kuwii hore ee halkaasi ka sameysnaa, waxaa manta lagu arkayay wadada hormarta Madaxyooyada Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Xaawo Taako, iyada la dhigayay Dhgaxyo cusub oo Difaacyo ah.

Ciidamada Koofi guduuda ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu kordhiyay wadadaasi, waxaana Ciidamada ay kordhiyeen baarista gawaarida yar yare ee ay wataan xubnaha ka tirsan Dowladda, kuwaasi oo horey aanan loo baari jirin.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si hoose inoogu sheegay in ay kordhiyeen sugidda ammaanka wadooyinka ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, maadaama Shabaab bishan iyo bishii ka horeysay ay weerar la eegteen meel ku dhow Villa Somalia.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen in amniga Muqdisho maalmihii dambe uu ahaa mid faraha ka sii baxayay, waxayna Hay’adaha ammaanka ku eedeeyeen in ay ku mashquuleen Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Leave a Reply