Askar ka socota Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho una gudbay Kismaayo

0
262

Ciidamo boolis ah oo ka socda dalka  Sierra Leone  ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u sii gudbay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Tiradda ciidamadaan ayaa waxa ay gaarayaan  145 Askari oo isugu jira Askar iyo Saraakiil Waxaana ay qeyb ka noqon doonaan  tayaynta iyo tababaridda ciidanka booliska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horey waxaa ugu sugnaa ilaa 15 saraakiil oo boolis ah,kuwaasi oo ka socda wadanka Sierra Leone,iyadoo imaatinka 145tan kalena lagu xoojinayo saraakiishaasi,waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah.

Kusimaha taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Ms. Christine Alalo, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo tayaynta ciidamo boolis ah oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo horey booliska AMISOM ay u tababareen.

“Hawlgalkooda ayaa noqon doona dhiiri galinta Ciidamada Bilayska Gobolka Jubbaland. Sannadkii 2016-ka, waxaan tababar u siinnay 600 askari oo bilayska ah oo ka tirsan Jubbaland, Sierra Leone FPU waxay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodna loogu siin lahaa howlahooda bilayska, “ayuu yiri Christine Alalo.

Leave a Reply