Baydhabo:- Maamulka Degmada Baydhabo Oo bilaabey Abuurista geedaha Ama Dhirta

0
644

Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay Waxaa Lagu bilaabey Abuurista geedaha Ama Dhirta Oo Xiliga Kasocota Baydhabo Janaay,

Maamulka Degmada Ayaana Kaashanaya Shacabka Xaafadaha Baydhabo si loo dardargaliyo Arintan dhir beerista Oo maamulku Uu bilaabey.

Hareeraha Wadooyinka dhaadheer ee magaalada ayaana Lagu bilaabey oo waxaa lagu beerayaa dhirta Gaar ahaan Geedaha Loo Yaqaano Geed Hindiga Oo Lagu beero hareeraha Wadooyinka.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Abdulaahi Ali Watiin Oo Kahadley Arintan Ayaa sheegey In dhir beeristu ay faaiido weyn Ay Uleedahay bilicda Magaalada Sidoo Kale na ay Horseedeyso In deegaanku uu ahaa Mid Qabow Oo Qurux badan.

Beerista Geedaha lagu beero Hareeraha Wadooyinka Waxay Qeyb weyn ay Kaqaadanayaan Arimaha deegaanka Iyo Bilicda Magaalada,Tani ayaana Ah Markii Ugu horeysey Oo Maamulka Degmadu uu bilaabo Arintan.

 

Leave a Reply