Baydhabo Oo Maanta Ka Furmaya Shirka Afaraad Ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka.

0
105

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedyada ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeeddada safarka ayaa ah ka qaybgalka Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay martigelisay Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulan la qaateen Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Ugu damabayn, shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee MoCA Forum ayaa maanta ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Leave a Reply