Baydhabo Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xiray Ku Dhowaad 30 Wariye.

0
407

Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa maanta tababar soconayay muddo afar maalmood ah u soo xirtay ku dhowad 30 wariye oo ka howlgala raadiyaha iyo tvga koonfur galbeed.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada dowlad gobaleedka koonfur galbeed mudane Xasan Cabdi Maxamed ayaa wariyaasha faray inay ku shaqeeyaan waxyaabihii ay ku barteen tababarka mudada afarta maalmood ah Socday.

Wasaaradda warfaafinta koonfur galbeed soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii waryaasha ay u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada:…

 

 

Leave a Reply