Baydhabo Oo Muddo Labo Maalmood Ah Laga Mamnuucay Bajaajta.

0
1686

Taliyaha Ciidamada Booliiska Magaalada Baydhabo Mukhtaar Axmed Dugudow Ayaa Maanta Waxaa Uu Soo Saarey Awaamiir Muddo Labo Maalmood Looga Mamnuucayo Magaalada Baydhabo Mootooyinka Loo Taqaano Bajaajta Iyo Baabuurta Raaxada.

Taliye Mukhtaar Dugudow Ayaa Sheegay In Awaamiirtan Ay Ka Dambayso Arimo Ku Saabsan Amniga Magaalada, Sidaa Darteedna Daraawalada Mootooyinka Bajaajta Lagu Wargelinaayo In Maalinta Beri Ah Aan Shaqeyn Karin.

Dugudow Ayaa Shacabka Ka Dalbaday Inay Ciidamada Amaanka Oo Har Iyo Habeen U Taagan Difaaca Shacabka Koonfur Galbeed Kala Shaqeeyaan Sugidda Nabad Galyada Magaalada Baydhabo.

Hadalkan Taliyaha Ciidamada Booliiska Baydhabo Ayaa Waxaa Uu Ku Soo Aadayaa Xili MaalmihiiU Dambeeyay Ciidamada Amaanka Ay Wadeen Howl-galo Lagu Xaqiijinayay Nabaddan Ay Ku Naaloonayaan Shacabka.

 

Leave a Reply