Baydhabo Oo Tababar Loogu Soo Xiray Qaar Kamid Ah Saraakiisha Ciidanka Koonfur Galbeed.

0
791

Magaalada baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed ayaa  maanta waxaa tababar muddo afar maalmood socday loogu soo xiray Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya .

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay koonfur galbeed sida, kusimaha madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya ahna wasiirka amniga gudaha mudane Xasan Xuseen Maxamed Iyo masuuliyiin ka socotay xafiiska unsom ee baydhabo.

Kusimaha madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed Oo ka hadlay Munaasabadda ayaa u mahad celiyay saraakiisha unsom iyo ethiopia oo ka qeyb qaatay tababarkan mudada afarta maalin ah socday.

Xasan Xuseen Maxamed ayaa saraakiisha ciidanka ee tababarka qaatay ugu baaqay in wixii ay barteen ay ugu adeegaan bulshada, sidoo kalena ay laba jibaaraan howlaha ay u hayaan shacabka.

              Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada:….

Leave a Reply