Baydhabo Oo Xaley ilaa Saaka Ka Da,aya Roobab Lagu Diirsaday.

0
873

Roobab lugu diirsaday ayaa xalay ilaa iyo saaka ka da’aya magaalada baydhabo ee xarunta gobalka baay ahna xarunta kumeel gaarka koonfur galbeed,kaddib muddo dheer oo ay roob yari ka jirtay deeganada koonfur galbeed.

Roobkan Baydhabo ka da,aya ayaa biyo badan dhigay xaafadaha kala duwan ee magaalada iyo sidoo kale deegaanada ku xeeran, iyadoona maanta Baydhabo ay ku jirto jawi saxan-saxo iyo naacow leh,sida Hubsiimo ugu kuur gashay.

Dhanka kale roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku jira qaar kamid ah kaamamka ku yaala duleeka magaalada baydhabo, kwaasi oo aan haysan bacyo ay ka galaan roobka.

Gobolka Baay Wuxuu Kamid yahay Gobolada Ugu Badan Oo ay saameysey Abaarta Waxaana Baydhabo Oo Xaruun u ah Gobolku Ay Qaabishey Kumanaan Barakacayaal ah Oo Xiligan Duruuf Nololeed ay Kuheysato Kaamamka Kuyaala Duleedka Magaalada Baydhabo.

Leave a Reply