Booliiska Bakool: Xabsiyo Maxaabiista La Geliyo Malahan.

0
417

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobalka Bakool G/S Cabdullaahi Xasan Cabdule Qadaafi Oo Wareysi Gaar Ah Siiyay Radio Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Uu Ka Waramay Xaaladda Amaan Ee Deegaanada Gobalka Bakool Gaar Ahaan Magaalo Madaxda Gobalkaasi Ee Xudur.

Taliye Cabdullaahi Xasan Cabdulle Ayaa Sheegay In Xasiloonida Ka Jirta Gobalka Bakool Gaar Ahaan Degmada Xudur Oo Xarun U Ah Gobalkaasi Inay Ku Timid Isku Xirnaanta Laamaha Amnigga Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada.

Asagoo Hadalkiisa Wata Taliyaha Ayaa Sidoo Waxaa Uu Soo Hadal Qaaday Baahiyaha Gaarka Ah Ay Ku Shaqeeyaan Ciidamada Kala Duwan Ee Ka Howl-gala Gobalka Bakool Gaar Ahaan Kuwa Booliiska Ayuu Sheegay inay Kamid Tahay Xarumihii Ay Ku Shaqeynayeen Oo Ka Muuqda Bur Bur.

Taliye Cabdullaahi Xasan Cabdulle Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Gobalka Bakool Aysan Lahayn Xabsiyo Lagu Xiro Dadka Fal Dambiyeedyada Geysta Iyo Kuwa Kale Ee Xukunada Ku Dhaca Sidaa Darteedna Ay Dowladda Dowladda Koonfur Galbeed Ay Ka Dalbadeen Dhismahaasi Muhiimka U Ah Booliiska.

Leave a Reply