Booliska Kenya Oo Islii Ku Qabtay Sokor Kontarabaan ah.

0
582

Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay 2,000 oo Kiish Sokor Kontorobaan ah taas oo ay Ganacsato Soomaali Kenyaan ah geysteen Baqaar ku yaalla Xaafadda Soomaalida ee Islii.

Madax qeybta la socodka Badeecadaha Dibadda Musa Yego,ayaa sheegay in Sokortan laga keenay dalka Brazil islamarkaana Ganacsato Soomaali Kenyaan ah ay keensadeen.

Waxaa uu Mr Musa Yego,sheegay in Sokortaas ay tahay mid dhacday kana gudubtay sidii uu u cuni lahaa Bani’adamka,Sokorta waa nooca Sokor Guduudda.

Waxaa uu sheegay in saddexda qof ee lagu qabtay Sokorta dhacday ay ganacsanayeen iyaga oo aan heysan Ruqsad Ganacsi islamarkaana ay Maxkamad u gudbinayaan.

Musa Yego,ayaa intaas ku daray in Sokortaas la gubayo laguna gubayo amarka ay Maxkamadda ka soo saarto,Billowgii Todobaadkan ayey ahayd markii Booliska Kenya ee Magaalada Mombasa ay qabteen Nin Soomaali ah oo Sokor dhacday dib u baceynayay kana dhigayay mid la adeegsan karo.

Leave a Reply