Burundi Oo Ciidamadeeda Kala Baxaysa Soomaaliya

0
89

Ururka Midowga Africa ayaa weeydiistay Dowladda Brundi in ay 1000 Askari ka dhinto Ciidankeeda ka qayb qaadanaya Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, tilaabadaas oo qayb ka ah kabixitaanka Dalka ee Howlgalka.

Midowga Africa ayaa sidoo kale Burundi waxaa uu ka dalbaday in Ciidanka ay Soomaaliya ka saarto ugu dambeeyn 28 ka Feebaraayo ee Sanadka soosocda.

Howlgallka AMISOM oo Dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab ayaa hadda waxaa uu doonayaa in Ciidanka Soomaaliya lagu wareejiyo Masuuliyadda Amni iyadoo si tartiib tartiib ah loo yareeynayo Ciidanka AMISOM.

Qoraalka loo diray Midowga Africa oo ay aragtay Warbaahinta AFP ayaa lagu sheegay in 30kii November Guddiga Isku xirka Howlgaladda AMISOM ay shirk u yeesheen Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya islamarkaana ay isla Afgarteen in 1000 Askari laga dhimo tiradda Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga ayaa Waxaa uu sheegay in QM ay maalgalin uga raadinayaan bixitaanka Ciidamadda.

Burundi waa Wadanka Labaad ee Ciidanka ugu badan ay ka joogaaan Soomaaliya, Tiradooduna waa 5,400 oo Askari  Marka laga soo tago  Uganda oo ay Ciidankeeda jooga Soomaaliya ay dhanyihiin 6,200 oo Askari.

Leave a Reply