CC Warsame Oo Ka Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru

0
129

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta dhaliilsan siyaasada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa su’aal ka keenay qodobadii kasoo baxay kulankii Nairobi ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya.

Waxa uu sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay xilligan qalad ku tahay inay sheegto in ay wada heshiiyeen Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo aan laga wada hadlin arrintii keentay khilaafka labada dowladood.

“Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Keenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay. Waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah weeye in shacabka Soomaaliyeed runta loo sheego ayuu yiri Siyaasiga”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in Shacabka Soomaaliyeed uu runta u sheegay,isla markaana uu cadeeyo wadahadalladii Addis Ababa iyo Magalada Nairobi.

Hadalka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa daba socda kalankii ay Nairobi ku yeesheen Madaxweynayasha Soomaaliya iyo Kenya kaas oo heshiis lagu gaaray,hayeeshee siyaasiga uu shaki geliyey.

Leave a Reply