Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed Oo La Qalabaynaayo

0
98

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xili uu la hadlaayay boqolaal ka tirsan ciidamada daraawiishta iyo kuwa xoogga ee ku sugan degmada Xudur waxaa uu ku amaanay sida mar walba ay uga go,an tahay difaacidda dadka iyo deegaankooda.

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ayaa Ciidamadaasi u balan qaaday in sida ugu dhaqsiayaha badan ay u heli doonaan saanad ciidan oo dhamaystiran iyo mushaarkooda, Asagoona sidoo ku booriyay in ay laba laabaan dadaalkooda iyo u diyaar garowga howlgalada la isugu furayo degmooyinka go,doonsan.

Hadalkan madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku soo beegmaya, kadib booqasho laba cisho qaadatay uu ku tagay degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool.

Leave a Reply