Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo howlgalo ka wada Gobolka Sh.Hoose.

0
322

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgalo ka wada deegaano hoos tagga Kuntu-waarey oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Nuurdiin Ibraahim Aadan Gudoomiye Kuntu-waarey ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgada in ay ku jireen ay arkeen Meydad uu sheegay in ay ahaayeen Dagaalamayaal katirsanaa Al-Shabaab oo Shalay Deegaankaasi Weeraray.

Ciidamada ayuu tilmaamay in ay ka fiijigan yihiin weeraro kale oo ay Al-Shabaab ku qaadaan inta ay ku guda jiraan howlgalkooda.

Gudoomiye Nuurdiin ayaa in Ciidamada AMISOM ee dhaawacyada kasoo gaaray dagaalkii shalay loosoo qaaday Magaalada Muqdisho, halka kuwa soo gaaray Dhaawacyada fud-fudna lagu daweeyay Xeryo Ciidan oo Ciidamada Uganda Deegaanka ku leeyihiin.

Dhinacyadii ku dagaalamay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa guulo ka sheeganaya, dhinacba dhinaca kale waxa uu sheegayaa in uu gaarsiiyay Khasaaraha ugu badan.

Dagaalkii Shalay ayaa socday Saacad iyo Bar, waxa uuna ku bilawday Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay daba socdeen Dagaal yahano katirsan Al-Shabaab oo dagaal toos ah la galay Ciidamada Qaraxa kadib.

Leave a Reply