Baladweyne(HSM)-Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada deegano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramaya inay dileen sarkaal Al shabaab u qaabilsanaa ururinta Sakawaadka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure ayaa la sheegay in Al-shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha sakawaadka ee gobolka Hiiraan.
Guure ayaa lagu dilay deegaano u dhexeya magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka sarkaalkan ka tirsanaa kooxda Al shabaab.
Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay deegannada kala ah Baar Dheere,Hees iyo wadada Afar Irdood oo isku xira magaalooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Buula Burde ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo shalay ka baxay magaalada Baladweyne oo u ruqaansaday dhanka wadada isku xirta Baladweyne iyo Buula burde ayaa la sheegay in ay ka leexdeen wadadaas iyagoo u jiheystay xagga deegaanka Hees oo u dhexeeya Baladweyne iyo Maxaas.
Howlgalkan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadan gobolka Hiiraan ayaa waxaa horkacaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.