Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada inta u dhexeysa Baladweyn iyo Buulo burde.

0
255

Ciidamo uu horkacaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada, ayaa maanta ku baxay wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalada Baledweyne iyo Magaalada Buulo burde.

Ciidankaan oo sidoo kale ay qayb ka yihiin ciidamada Amisom, ayaa wararka waxa ay sheegayaan qorshahooda inuu yahay sidii Shabaab looga sifeyn lahaa wadada laamiga.

Al Shabaab ayaa ku sugan wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Baledweyne iyo Buulo burde, waana ay adag tahay in gaadiidka dowladda halkaasi si nabadgelyo ah ku maraan.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay hawlgalkaan wado furista ah inuu yahay qorshihiisa mid la doonaayo in go’doonka looga qaado Magaalada Buulo burde oo Shabaab afar sano ay go’doomiyeen.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan waxa ay ku baxaan wadada xiriirisa Baledweyne iyo Buurhakaba, iyagoo halkaasi dib uga soo laabta, Shabaabna sidoodii ayeey ugu sugan yihiin.

Sarkaal ciidan oo u waramay Mustaqbal ayaa sheegay inay wadaan hawlgalka, dibna ay ka soo sheegi doonaan faah faahinta la xiriirta natiijada hawlgalkaasi ay ka gaareen.

Leave a Reply