Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Howl-gal Ka Sameeyay Wadada Isku Xirta Baydhabo Iyo Leego.

0
528

Ciidamada militariga soomaliya qeybta lixdamaad kuwa kgs iyo ciidanka amisom oo is garabsaneya waxaa ay baydhabo ka wadeen gaadiid xamuul ahaa oo ku dhawaad sanad ku xayirnaa magaalada baydhabo.

Koloyadan gaadiidka ahaa ayaa kol kii hore waxaa ay alaab amisom uga keeneen magaalada muqdisho balse illaa waqtigaas waxaa ay ku xareysnaayen xarunta amisom ee baydhabo.

Inta ay ku socdeen wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka baydhabo iyo deegaanka leego waxaa ay ciidankan huwanka ah u suurowdey iney wadada ka saaraan dhowr miino oo al shabaab dhulka ku aasen duuneyeena iney la eegtaan koloyadan sida uu sheegey c/raxmaan dheere taliyihii ciidanka hogaaminaayey.

Ciidanka ayaa markey gaareen deegaanka leego waxaa ay halkaasi mar kale ka soo kaxeeyeen gadiid kale ee baydhabo u soo socdey halka kuwii hore ee ay geeyeen meeshana ciidanka amisom ay u sii galbiyeen magaalada muqdisho.

Al shabaab ay inta badan waxaa ay wadada u galaan gadiidka xamuulka ah ee ciidamada alaabaha u soo qaada taasi ayaana keentey in koloyadan mudo ay joogaan baydhabo.

                          Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada:-

 

Leave a Reply