Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya oo la dhimayo

0
585

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in la dhimayo Ciidamada Mareykanka ah ee ka howlgala Dalalka Afrika oo at Soomaaliya ka mid tahay.

Ciidamada Mareykanka ee Afrika ka howlgala waxaa tiradooda lagu sheegay 6,000 oo Askari waxaana ay joogaan dalalka Soomaaliya,Jabuuti,Niger iyo kuwo kale.

5,00 oo ka mid ah Askartaas waxaa ay joogaan Mareykanka,waa ciidan si gaar ah u tababaran,waxaana ay tababar siiyaan Ciidamada dowladda Federaalka ah iyaga oo mararka qaar kala qeybgala howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab,waxaa kale oo ay bixiyaan latalin dhinaca amaanka ah iyo farsamada.

Fahdigooda ugu weyn waa Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-Dooglle.

Khubarrada dhinaca amaanka ayaa sheegaya dhimista lagu sameynayo Ciidankaas in ay saameyn taban ku yeelan karto dagaalka 11ka Sano lagula jiro Al-shabaab ee ay ka gacansiiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM.

Howlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaa ay u badanyihiin weerarrada dhinaca cirka ah ee ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,waxaana weerarradaas dhowr jeer oo hore ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Warbixin uu soo saaray Pentagonka Mareykanka ayaa lagu sheegay in sanadkii 2017 Mareykanka uu 500 Qof oo dad Rayid ah ku dilay Caalamka,hayeeshee waddamadaas kuma jirin Soomaaliya,waxaana ay Warbixintu sheegtay in Soomaaliya weerarrada ka dhacay ee ay dadka ku dhinteen wali la baarayo.

Sababta loo dhimayo Ciidanka Mareykanka ah ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Niger uu khasaare ka soo gaaray.

4 ka mid ah Ciidanka Mareykanka ayaa Bishii October lagu dilay Dalka Niger,waxaa kale oo Gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya Sanadkii hore isna lagu dilay Askari Mareykan ah.

Leave a Reply