(DAAWO VIDEO IYO SAWIRO) Iskuulaadka ku Jira Dalada FPENS Ee Baydhabo Oo Imtixaanka Shahaadiga Ufadhiistey

0
927

(655) Arad ay oo dhamaystay waxbarashada Dugsiga Sare ayaa manta u fariisatay Imtixaanka ugu danbeeyay sanad dugsiyeedka 2017-2018 iyadoo sanadkan markii ugu horeeyay ay Iskuulada ku yaala Magaalada Baydhabo ee ku jira Daladda FPENS ay kudhigeen Imatixaanka mid midaysan oo Ah Hal meel  wada fariisanayo imtixaanka sida Hubsiimonews.com u xaqiijiyay wakiilka Daladda FPENS Gobolka Baay Cali Cadoow Ibraahim oo aan kuwaraysatay Xafiiskiisa.

Xasan Aadan Cali waa maamulaha iskuulka al-Qalamooka mid ah daladda FPENS, waxaa ahaa kormeere yaasha imtixaanka saakay kabilaawday baydhabo ee ka dhacayay Iskuulka al-Cayn, waxaa uu kawarbixinayaa Imtixaanka sida uu ugu fiicanyahay ardayda in  ay isku meel kugalayaan.

Ibraahim cali Axmed oo ah Maaamulaha Iskuulka Model ee magaalada baydhabo, waxaa aan kula kulmay halka uu imtixaanku kasocday isagoo kormeeraya ardayda, waxaa uu iiga warbixiyay imtixaanaadka socda iyo isbadalka ay samaysay dalladda Sanadkan.

Waa sanadkii ugu horeeyay ee iskuulada kumidaysan dalladda FPENS ay isku waqtiiyo isku meel kugalaan Imtixaan mid ah taasoo ay soodiyaarisay Dalladda mudo Shan bilood ah, waxaana u fariistay imtixaanka 655 ardayoo isugu jiraan wiilal Iyo gabdho, kuwaasoo ah ardayda kabaxaysa Dugsiyada sare ee Todobo iskuul oo ka mid ah Dalladda FPENS ee xaruntooda tahay Magaalada Baydhabo.

Hoos Kadaawo.

Leave a Reply