Daawo:Kusimaha M/weynaha KG Iyo Maamulada Gobolka Baay Iyo Kan Baydhabo Oo Boqasho Kutageen Kaamamka Kuyalan D/Baydhabo

0
325

Masuuliyiin Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ay Ugu Horeeyaan Wasiirka Amniga Ahna Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha,Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Xildhibaano Ayaa Booqdey Xerooyin Kuyaala Duleedka Magaalada Baydhabo Oo Ay Kunool Yihiin Dad Danyer ah Oo Abaar saameysey,Kuwaasi Oo Saameyn Xoogan Kasoo Gaartey Roobka Gu Ga Oo Maalmo Kahor Ka Da ay Baydhabo.

Masuulyiinta ayaa Kaamamka Ay Booqdeen Waxaa Kunoolaa Qoysas Ka Muuqatey Saameyntii Roobkii Da ay Iyo Xaaladihii ay Roobka Kahor ay Kusugnaayeen, Waxaana Kaamamka Qaar ay Kubooqdeen Dad Waayeel ah Iyo Hooyooyin Caruur Aad Uyer uyer Sita Oo Labo Habeen Roob Uu Kadul Da ayey Oo aysan Jirin Meel ay Ku Gabadaan.

Gudoomiya Gobolka Baay Ali Wardheere Abdirahman Dooyow Oo Hogaaminayey Madaxda ayaa Sheegey Inay Soo arkeen Qoysas aad utabar daran oo ubaahan in lagargaaro wuxuuna sheegey Inay Jiraan Dad ubaahan in xaladooda Si deg deg ah Wax Loogu Qabto.

Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha Koonfur Galbeed Aadan Hasan Usaama Oo Kamid ahaa Masuuliyiinta Kaamamka Booqdey ayaa sheegey In wasaaradu ay wado Dadaalo Biya dhaamin Iyo Gargaar Loogu Sameynayo Barakacayaasha hadana Ay sii laba Jibaari doonaan ayna Tixgalin doonaan Dadka Heysta Baahiyaha Ugu Daran.

Wasiirka Amniga KGS Mudane Hasan Huseen Mohamed Xasan Eelaay Oo Kamid ahaa Madaxda Barakacayaasha Booqdey ayaa sheegey In Kamaamul Ahaan ay Ugudbin doonaan Hay’adaha Gar gaarka Si deg deg ah Na Wax loogu qaban doono barakacayaasha Inta Aan Roob Kale Imaaan,Wuxuuna Tilmaamey In Wixii indhahiisa Uu Kusoo arkey ay ahaayeen Arin aan Lagajeesan karin Oo ubaahan Wax Ka qabasho.

Gobolka Baay Wuxuu Kamid yahay Gobolada Ugu Badan Oo ay saameysey Abaarta Waxaana Baydhabo Oo Xaruun u ah Gobolku Ay Qaabishey Kumanaan Barakacayaal ah Oo Xiligan Duruuf Nololeed ay Kuheysato Kaamam Kuyaala Duleedka Magaalada Baydhabo.

Leave a Reply