Daawo+Sawiro:Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Hiiraan Oo Xukuntay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

0
469

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad ee gobolka Hiiraan ayaa xukunno  kala duwan waxa ay ku ridday xubno ku eedeysanaa iney ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamaddasi Cabdicasiis Cabdulaahi Xasan ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, iyadoo xubnaha la xukumay qaarkood ay maxkamadda ka maqnaayeen.

Ugu horreyn waxa ay maxkamadda xukun 8 sano oo xabsi ah ku riddey, Shariif Macallin Xasan oo lagu eedeeyay inuu Bam gacmeed aan khasaare geysan ku tuuray ciidamada xoogga dalka ee ku sugnaa degmada Buula-burde  ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale maxkamadda waxay xukuntay Raaxo Abukar Deexey iyo C/naasir Muxummad Maxamed oo maxkamadda ka maqnaa, kuwaasi oo lagu eedeeyay iney Al-shabaab u qaabilsanaayeen kala gudbinta walxaha qarxa ee gobollada dhexe iyo Puntland, waxaana lagu ridey xukun ah min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa  xukun xabsi daa’in ah ku riday C/laahi Suldaan Maxamuud oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab kana qeybgalay labo dagaal oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Guddoomiye C/casiis ayaa ugu dambeyn sheegay in racfaan uu u furan yahay cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka ay maanta maxkamadda ridday.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale meello ka mid ah gobollada dalka ugu xukuntay xubno la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

 

Leave a Reply