Daawo:Wasaarada Dahlinyarada Iyo Cayaaraha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Baydhabo Kusoo Gabagabeysey Kulan Isdhaxgal ah

0
581

Wasaarada Dahlinyarada Iyo Cayaaraha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo Kusoo Gabagabeysey Kulamo isdhexgal bulsho ay oo wasaaradu ay soo qabanqaabisey.

Kulanka Lagusoo gabagabeynayey Xafladihii Daba Socdey 6 April oo ahayd maalinta Caalamiga ah ee cayaaraha iyo horumarinta nabada ayaa waxaa uu ahaa mid si heersare ah loosoo agaasimey,Waxaana Kasoo qeyb galey madax isugu jirtey wasiiro,xildhibaano,maamulka degmo iyo Gobol,Ururada dhalinyarada Sports ka haweenka iyo bulshada inteeda Kale.

Wasiir Ugaas hasan wasiirka warfaafinta iyo wasiir Eng Ahmed wasiirka batroolka iyo macdanta Koonfur Galbeed oo kamid ahaa madaxdii goobta kahadashey ayaa si aad ugu amaaney wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha koonfur galbeed doorka ay kacayaartey soo nooleynta Sports ka Iyo Horumarinta nabada,waxaan ay ugu baaqeen inay sii kordhiso kulamada isdhexgalka bulshada si loo abuuro nabad iyo wada shaqeyn dhexmarta bulshada iyo maamulka.

“Hadii aan lahelin dhalinyaro iskuduuban nabadna malahelayo,waxaan idin sheegayaa inaad mar waliba isku duubnaataana” Nabad la’aan horumar majiro balanteena waa inaan kawada shaqeynaa nabada oo wax waliba horseed u ah”

“Hadii aad aragto dhalinyaro intey isku imaado cayaareysa waxaad aragtey nabada,waayo qof aan nabad heysan ma cayaaro,dhalinyarada koonfur galbeed kasoo baxa guryaha ee xoojiya isdhexgalka bulshada nabadaa naas la nuuga leh.

Waa Qaar kamid ah ah hadalada madaxdii goobtaasi kahadashey.

Ugu dambeyntii wasiir Cabdulaahi Cabdi Cumar  fanax oo ah wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha koonfur galbeed oo soo gabagabeeyey kulamadii isdhexgalka bulshada oo wasaaradu ay wadey ayaa wuxuu kahadley muhiimada dhalinyarada iyo sports kuba ay ulahayd maalmahan wuxuuna tilamaamey in wasaaradu dadaal waliba ay kubixin doonto sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada iyo cayaaraha wuxuuna balan qaadey in lasii xoojin doono kulamada isdhexgalka bulshada si ay ufududaato in lahelo bulsho mid ah oo kasheysa nabada iyo horumarka.

Lagasoo bilaabo 6dii April Ilaa 8dii Ayay socdeen kulamada wasaaradu ay wadey waxaana qeyb ka ahaa kulamo sports oo lagu qabtey garoonka kubada cagta ee baydhabo iyo cayaarta xarig jiidka oo dhalinyarada magaalada kunool loo dhigey in kulan lagu kulmiyey ururada bulshada rayidka ah iyo madaxda koonfur galbeed.

Tani waxay qeyb weyn ay katahay Dadaalada wasaaradu ay kubixineyso gudashada waajibaadkeeda.

W/Q/Cabdinasir Maxamed Abdiraxmaan (Musharraf)

Leave a Reply